Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa
ka qeybgalay shir ka dhacay markab dagaal dushiisa oo
fadhiyay xeebaha
magaalada Muqdisho, kaasoo ay leeyihiin ciidaamada Spian ee qeybta ka ah
howlgalka la dagaalanka burcad badeeda.
Ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa diyaarad helicopter ah ay ka
qaatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoona ay ku dejisay markabka dagaal
dushiisa.
Shirkaan ayaa
waxaa ka qeybgalay danjiraha midowga Yurub ee Somalia, taliyaha howlgalka
ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya iyo ra'iisul wasaare
Kheyre, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub.
Kheyre, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub.
RW Xasan Cali Kheyre, ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay
taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay
ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga
sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.
“ Waxaan ka wada hadalney
sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon
lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in
burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin
lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisul was are
Kheyre.
Dowladaha ku bahoobey ururka midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka
caawiya arimaha badan oo ay kamid tahay amniga iyo mashaariic horumarineed oo
qeybo kamid ah dalka ay ka fuliyaan, iyadoo maraakiib dagaal oo dalalkaas ay
leeyihiin ay ku sugan yihiin biyaha Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama kooxaha
burcad badeedka Soomaalida ah.