Raisul wasaaraha oo beerta nabadda waqti kula qaatay dadweyne usoo damaashaad tegay

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa galabta si
kedis ah ku tegay beerta nabadda oo loo damaashaad iyo baashaal tago, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u fara badan oo usoo jimceysi tegay.

Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa waqti aan badneyn la qaatay shacabkii ku sugnaa beerta nabadda, isagoo dhageystay aragtidooda iyo talooyin ay u jeediyeen.

Kheyre ayaa u sheegay dadkii ku sugnaa beerta nabadda oo aragtidiisa kusoo xoomay in dowladda uu hoggaamiyo ay tahay mid shacab oo ay dadkeeeda u baahan tahay talooyinkooda.

Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa goobaha shacabka ku sugan yihiin taga maalmaha fasaax, isagoo dhawaan sidaan oo kale u tegay xeebta Liido iyo maqaayad uu kula shaahay dad shacab ah.


XULKA-TODOBADKA