Waxaa goor dhow lagu wadaa in uu magaalada London ka furmo shir
looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40
dowladood iyo ururo caalami ah.
shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u wada guddoomin doona
madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Britain
Theresa May iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres, waxaana
diirada lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidanka qaranka,
ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha, iyo bani’aadanimada.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya
madax ay ka mid yihiin ra’iisul wasaaraha Turkiga, madaxweynaha Kenya,
madaxweynaha Uganda, ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, dowladda Mareykanka,
Jaamacadda Carabta, ergo ka socota Midowga Yurub, Midowga Afrika, Ururka Islaamka
iyo wakiilo ka socda dowladaha taageera Soomaaliya.
Dhanka kale habeenkii xalay
ayaa waxaa uu madaxweyne Farmaajo kulamo gaar-gaar ah la qaatay madax sar-sare
oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres.