Dowladda oo balan qaaday in dibada loo qaadi doono bukaanada askartii ku dhaawacantay qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho:

Taliyaha ciidamada xoogga dalka
S/gaas Ahmed Maxamed Jimcaale ayaa boogday dhaawacyadii askartii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii lala beegsaday 9-kii bishan, kuwaasi oo ku jira isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in askarta qabta dhaawacyada culus ee xaaladooda adag tahay in loo qaadi doono dalka dibadiisa si ay u helaan daawo iyo daryeel dheeri ah.
S/gaas Ahmed Maxamed Jimcaale ayaa sidoo kale askarta dhaawacyada ah guddoon siiyay deeq lacageed, isagoona balan qaaday in askarigii dhaawaca ah iyo kan dhintaba la agaan doono qoyskiisa oo aysan dareemi doonin geeridiisa
ama dhaawaciisa. 

XULKA-TODOBADKA