Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa
maanta ansixiyey xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra’iisul wasaare
Xasan Cali Kheyre.
224 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka
ayaa ogolaaday xukuumadda, waxaana diiday 15 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2
xildhibaan.
Kulanka ayaa waxaa guud ahaan fadhiyey
241 xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee
baarlamanka Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey.
Khudbad uu u jeeediyey xildhibaanada ka
hor inta aan la ansixin xukuumadda, ayuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku
sheegay in xukuumadda ay ahmiyadda koowaad siin doonto sugidda amniga.
“Amni la’aantiisa nolol ma jirto” ayuu
yiri ra’iisul wasaare Kheyre.
Waxa uu sidoo kale sheegay in howsha ugu
horreysa ee iminka hortaalla xukuumadda cusub ay tahay in gurmad la gaarsiiyo
dadka abaaruhu ay ku saameeyeen gobollo badan oo dalka ka mid ah.
Wasiirada cusub ayaa isla maanta lagu
dhaariyey xarunta baarlamanka