In ku dhow lix kun tahriibayaal ah oo midowga Yurub badbaadiyeen

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa jimcihii ilaa axadii badbaadiyay in ka badan 6,000 muhaajiriin ah oo kasoo ambabaxay xeebaha dalka Liibiya.
Muhaajiriintaan oo kasoo haajiray wadamada saxaraha ka hooseeya ee qaaramada Afrika ayaa xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga laga soo daad gureeyay, waxayna ku safrayeen doomaha bacaha ka sameysan ee la buufiyo.
Tirada ugu badan muhaajiriinta la badbaadiyay oo gaarayay sedax kun ayaa waxaa ka qeyb qaatay markab laga leeyahay dalka Jarmalka.


(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Dadkaan la badbaadiyay ayaa waxaa ku jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo la geeyay magaalada xeebta ah ee Sicily halkaasi oo gurmad looga fidiyay.
XULKA-TODOBADKA