Madaxweyne Turkiga
Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay aftidii ka
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
dhacday dalka Turkiga ee
loogu codeynayay in Jamhuuriyadda Turkiga ay noqoto nidaam madaxweyne oo awood
balaaran uu leeyahay madaxweynaha, kana guurto nidaamkii baarlamaaniga ahaa.(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
Xisbiga Erdogan ayaa
heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud
ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay
guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan ''HAA'' ay ku
guuleysteen aftda.
Natiijada
aftida ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa
iyo sannadka 2019-ka.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub.
Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne oo shacabka u horseeda horumar midka hadda ka ballaaran.