Showing posts with label DEG DEG. Show all posts
Showing posts with label DEG DEG. Show all posts
Ciidanka gaarka ah ee Danab oo deegaano hoos taga degmada Marka kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo deegaano hoos taga degmada Marka kala wareegay Al-Shabaab


Ciidanka Danab ee xoogga dalka ayaa saakay Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ayay iminka ka wadaan gudaha deegaanka Ceel Saliin oo ay saakay la wareegeen, kaas oo dhanka waqooyi 20-KM kaga beegan magaalada Marka.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen ciidamada, iyagoona dhageystay afkaartooda iyo baahiyaha ay qabaan.
Muddooyinkan dambe gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah Al-shabaab, halka deegaanadii dhawaan laga saarayna ay ka socdaan hawlo shacabka lagu caawinayo maamulana looga hirgalinayo.

Maxay La Kulantay Real Madrid Markii Dalab Ka Sareeya Kan Atletico Madrid Ay Ka Gudbisay Xiddiga Aadka Loo Qiimeeyo Joao Felix?

Maxay La Kulantay Real Madrid Markii Dalab Ka Sareeya Kan Atletico Madrid Ay Ka Gudbisay Xiddiga Aadka Loo Qiimeeyo Joao Felix?

Joao Félix ayaa dhawaan la shaacin doonaa inuu yahay ciyaaryahan Atletico Madrid ah ka dib markii kooxda reer Spain ay ogolaatay inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Benfica, sida ay sheegayaan warbaahinta Spain.

Si kastaba, Real Madrid ayaa isku dayday inay saxiixiisa ka hoos xado kooxda deriskooda ah ee Atletico.


Real Madrid ayaa xilli danbe isku dayday inay la soo wareegto xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Portugal oo 19 jir ah, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayay Manchester United.
Jariirada Isbaanishka ee Marca, ayaa sheegtay in madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez inuu Benfica u bandhigay 130 milyan euro oo ah in ka badan 10 milyan euro inta lagu burburin karay qandaraaskiisa.
Laakiin sida wargeyska uu sheegay ciyaaryahanka ayaa iska diiday inuu aado Real Madrid madaama uu goor hore go’aansaday inuu ku biiro Atletico Madrid.

Manchester City ayaa iyadana isku dayday inay ka soo qeyb gasho tartanka iyagoo miiska soo saaray 120 milyan euro laakiin waxay la kulmeen jawaab la mid ah tii ay Real Madrid ay heshay.
Joao Felix ayaa la filayaa in xilliga ugu soo dhow lagu dhawaaqo inuu ku biirayo Atletico Madrid, kuwaasoo shalay iyagana la soo wareegay xiddigii khadka dhexe ee Real Madrid Marcos Llorente oo heshiis shan sannadood ah u saxiixay.
3 qof oo lagu helay dambiga...

3 qof oo lagu helay dambiga...

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa saddex nin ku heshey dambi ah iney in Al-Shabaab ay ka gacan ku siiyeen weerarkii ay ku qaadeen Jaamac Gaarisa oo ay ku dileen 148 qof, kuwaasi uu badnaa Ardeydii Jaamacadaasi.
Mohamed Abdi Abikar, Hassan Aden Hassan iyo Rashid Charles Mberesero ayaa la xukumi doonaa 3-da bisha July ee soo socota, sida uu sheegey Francis Andayi oo ah madaxa garsoorka ee magaalada Nairobi.
Sahal Hussein oo kamid ahaa ahaa afarta nin ee loo heystey eedda la xiriirta gacan ku siinta Al-Shabaab ee weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaa dambi lagu waayey.
Labadii bisha April ee sanadkii 2015 ayaa afar nin oo hubeysan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Alqaacidda ay weerar ku qaadeen jaamacadda Gaarisa.
Afarta nin ee waarerka geysatey ayaa iyagana lagu diley jaamacaddii ay weerarka ku qaadeen.
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkaasi ku sheegtey fal ay uga aar-gudanaysay ciidamada Kenya oo Soomaaliya ka wada howl-gallo ka dhanka ah Maleeshiyada Alshaab oo halkaasi ay xaruntoodu tahay.
Weerarkii jaamacadda Gaarisa ayaa noqdey weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado gudaha dalka Kenya waxii dambeeyey weerarkii Alqaacidda ay ku qaaddey safaaradda Mareykanka ee Kenya sanadkii 1998kii halkaas oo lagu diley in ka badan 200 oo qof.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ...

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ...


Caasimadda dalka Waqooyiga Korea ee Pyongyang waxaa saakay aroor (xilliga Afrika) ka dagay madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping kaas oo wadahadallo kula yeelanaya halkaasi hoggaamiyaha Waqooyiga Korea Kim Jong-Un.
Safarkan mr. Xi uu ku tagay Waqooyiga Korea ayaa noqonaya kii ugu horreeyay muddo 14 sano ah uu dalkaasi ku taho hoggaamite Shiineys ah, balse waxa ay mudodaasi inta u dhaxeysay ay afar jeer ku kulmeen gudaha dalka Siinaha.
Waxyaalaha ugu weyn ee ay ka wadahadli doonaan ayaa la sheegay in ay ka mid tahay wadahadallada hakadka galay ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriga kaas oo la xiriira arrinta hubka nukliyeerka.
Booqashada Xi ayaa kusoo aadeysa xilli uu isbuuc qura ka dhiman yahayshirka waddamada G20 ee ka dhici doona dalka Japan halkaas oo lagu wado in mr. Xi uu kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Booqashada mr. Xi uu ku joogo Waqooyiga Korea ayaa qaadaneysa mudo 2 casho ah