Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

Ka Faa’iideyso Su’aalo Iyo Jawaabo Aqoon Kororsi Ah:
S - Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta
J – Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil
S – Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?
J – waxaa la yidhaahdaa Zaquum.
S – Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?
J – Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.
S – Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?
J – Waa masaajidka Qubaa.
S- Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?
J- maydka xalaasha ahi waa ””Ayaxa iyo Kaluunka.
S – Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?
J – dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.
S – Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?
J – Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.
S – Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga(NNKHA),sixray?
J – Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam