WAR DEG DEG AH
Xusni Mubaarak oo
xabsiga laga sii daayay
Waxaa
lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.
Go'aankan
ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday
dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay
mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.
Mudadii
la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku
mutaystay wax isdaba marin.
Qareenkiisa
ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.