Wasiirka arrimaha dibada Jarmalka iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo booqasho ku yimid Muqdisho


Waxaa saakay magaalada Muqdisho booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid

wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Sigmar Gabriel iyo wafti uu hoggaaminayay, waxaana garoonka diyaaraddaha Muqdisho kusoo dhoweeyay ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasiirk arrimaha dibada Somalia Yusuf Garaad.
Wafdiga wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan xukuumadda.
Waa wafdigii ugu sareeyay ee ka socda dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimaada magaalada Muqdisho.

Wararkeena danbe ayaa idiin kugu soo gudbin doonaa faah faahin iyo sawirrada wafdiga iyo madaxda ay la kulmaan.


XULKA-TODOBADKA